Menu

SABUURRADII 23

SIM

1 Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo. 2 Wuxuu i fadhiisiyaa doog qoyan dhexdiis, Oo wuxuu ii hoggaamiyaa biyaha deggan dhinacooda. 3 Naftayda wuu soo celiyaa. Oo magiciisa aawadiis wuxuu igu hor kacaa waddooyinka xaqnimada. 4 In kastoo aan ku dhex socdo dooxada hooska dhimashada, Sharna ka baqi maayo, waayo, waad ila jirtaa, Ushaada iyo hangoolkaaga ayaa ii raaxeeya. 5 Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis, Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buuxdhaafaa. 6 Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis, Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.

Everything we make is available for free because of a generous community of supporters.

Donate